Madaxweyne Xasan Sheekh oo u amba baxay Dalka Turkiga, kana qeyb galaya Shir Caalami ah

0

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxa uu u ambabaxay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Waxaana dalka Turkiga uu kaga qeyb galayaa shir caalamiga ah oo looga hadlayo arrimaha Adanaha oo lagu wado inuu berito oo Isniin ah ka furmo magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Shirkaasi oo socon doono muddo laba maalin ah ayaa waxaa ka qeyb galaya wufuud caalami ah, iyo in ka badan 70 Madaxweyne iyo R/wasaarayaal ka kala socda iyo waliba 6,000 aqoonyahaano ,waana markii ugu horeysay shirweyne noocan ah oo ay dowladda Turkiga Martigeliso.

Afhayeen u hadlay dowladda Turkiga oo lagu magacaabo Ibrahim Qalin ayaa sheegay in shirweynaha arrimaha bani’aadamka oo la filayo in beri uu ka furmo magaalada istanbuul looga hadli doono  taageerada bani’adanimo ee loo fidayo wadamada ay dhibaatooyinka ka aloosan yihiin  sida arrimaha ka aloosan wadamada Kenya, Soomaaliya iyo Suuriya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa marka uu shirkan soo gaba gaboobo in uu kulamo gaar gaar ah la yeesho Madaxda ka soo qeyb galeysa shirkan.