DHAGEYSO WAREYSI:- Maamulka gobolka Hiiraan oo mar kale war ka soo saartay dagaaladii ka dhacay Magaalada Baladweyne

0

Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada ee Maamulka gobolka Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa ka hadlay sida ay ugu suuragashay in ciidamo kuwiisa ah ay xabbad joojin kala dhex-dhigaan beelo afartii maalin ee ina dhaaftay ku dagaallamayay Galbeedka Baladweyn.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ayaa sheegay in ka dib markii ay ku guuldarreysteen ciidamada AMISOM iyo kuwa gobalka uu qaatay mas’uuliyadda ah inuu nabadeeyo xaafadda Howl-wadaag oo dagaal ka socday wax ka badan afar cisho. Dagaallada waxaa ku dhintay dad ka badan 20 ruux.

Maleeshiyaad laga kala keenay tuulooyinka Hiiraan ayaa ugu danbeyn shalay gelinkii danbe kala dhex-galay kooxihii dagaallamay — waaana lakala qaaday dhinacyadii dirirtu u dhexeysay.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Hiiraan oo beeshiisa sheegay inay keeneen ciidankan ayuu ku sheegay tiradooda 300; waxaana uu tilmaamay inay jiraan maleeshiyaad kale oo diyaar u ah wali inay xalka Beledweyn ka qeyb qaataan.

Sheekh Xuseen ayaa iska fogeeyay in awood milatari uu kula wareegay Baladweyn isaga oo sheegay in maleeshiyaadkan ay ku koobnaan doonaan oo kaliya xal u raadinta colaadda Beledweyn.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-