Wasiirkii gaadiidka dalka Turkiga Binali Yildrim ahna nin ay saaxibo yihiin madaxweynaha Turkiga ayaa loo doortay inuu noqdo Ra’iisal wasaaraha Turkiga iyo guddoomiyaha xisbiga talada haya ee AK.
Yildirim oo ah lixdan jir ayaa helay dhammaan codadka xubnaha xisbiga AK kulan aan caadi ahayn oo maanta ka dhacay dalka Turkiga.
Binali oo ahaa musharaxa kaliya ee isu soo taagay xilkan kadib markii uu ka dagay Ahmet Davutoglu horaantii bishan xilka hogaamiyaha xisbiga iyo ra’iisalwasaaraha dalka Turkiga ayaa waxaa soo dhoweeyay taageerayaasha madaxweyne Ergodan.
Khilaaf dhinaca fikirka ah oo soo dhex galay Madaxweynaha dalka Turkiga iyo ra’iisal wasaarihiisii hore ayaa sababay in qalqal uu galo maamulka dalka Turkiga waxana khilaafkoodu uu ku saabsanaa sida loola heshiinayo Midowga Yurub oo doonaya in dadka qaxootiga ah ee ka soo cararaya dagaalada Siiriya aysan u soo gudbin qaarada Yurub.