Shir Caalami ah oo isbuucaan ka furmaya Dalka Turkiga iyo Madaxda Dowlada oo ka qeyb galeysa

0

In ka badan 70 Madaxweyne iyo Ra’isal Wasaarayaal isugu jira ayaa lagu wadaa in  ay ka qeyb galaan Shir caalami ah oo looga hadlayo hagaajinta nidaamka  hab dhaqanka Adanaha oo isniinta ka  furmi doono Istanbul.

Shirweynaha Caalamiga ah oo uu soo qabanqaabiyay Xoghaya Guud ee Qaraamada Midoobay Ban Ki Mon  waxa uu qeyb ka yahay dadaalada Qaraamada midoobay ee ku wajahan la tacaalida arrimaha   dadyowga  dalalka caalamka iyo ka hortaga musiibooyinka.

Qodobada looga hadlayo Shirweynaha  waxaa ka mid yihiin  sidii loola tacaali lahaa arrimaha barakacyaal gaaraya 60 milyan qof oo dunida ku farirsan kuwasoo degaanadooda uga barakacayeen dagaalo, iyo isbedelka cimilada aduunka .

In ka badan 6000 qof oo qeybo kala duwan ka socoda ayaa waxa ay ka qeyb galayaan shirkan Isniinta ka furmayo magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Sida laga warqabo 2.7 milyan Suuriyaan ah ayaa waxa ay haatan  ku sugan yihiin dalka  Turkiga kuwaasi  oo ka cararay dagaalka  Suuriya ka socoda, Waxayna ku haminayaan inay Turkiga uga sii gudbaan wadamada Yurub.

Xigasho- Iina.