Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dhismaha darbiga laga dhisayo xadka Soomaaliya uusan ahayn mid lagu joojinayo dhaqadhaqaaqa dadka balse uu yahay mid lagu sugayo ammaanka.
Kenyatta oo uu weheliyo ku xigeenkiisa Ruto booqashana ku joogo gobolada waqooyi bari ayaa waxa uu sheegay in dowladiisu ay ka go’an tahay in ay ilaaliso xasiloonida iyo ammaanka.
“Ma aha arrin qalad ah in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay sameystaan meel labad dal laga galo, waxayna gacan ka geysanaysaa in la ogaado dadka doonayo in labada dalba ay falal amni darro ka sameeyaan.”ayuu yiri Madaxweyne Kenyatta.
Warkan ayuu ka sheegay markii uu kula kulmay hogaamiyaasha gobolka iyo isagoo qudbad ka jeediyay garoonka ciyaaraha magaalada Mandhera.
Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay inuusan jirin qorshe lagu kala qeybinayo dadka Kenyanka ah iyo dadka Soomaaliyeed.
“Ma jiro qorshe aan ku dooneyno in aan ku kala qeybino shacabka Kenya iyo kan Soomaalida, waxaan dooneynaa oo kaliya in aan xaqiijino shacabkeena hab heer caalami ah oo la aqoonsan yahay oo wax la isku weydaarsado ama ganacsi la isku dhaafsado,” ayuu sii raaciyay Kenyatta.
Madaxweyne Kenyatta ayaa dhagax dhigay dhisme waddo dhererkeedu yahay 135km taasoo isku xiri doonta magaalooyinka Ceelwaaq iyo Rhamu.
Dowlada Kenya ayaa haatan dooneysa inay ka hirgeliso gobolka ay Soomaalidu degto ee Waqoyi Bari Kenya mashaariic horumarineed, mashaariicdaa ayaa waxaa ka mid ah isbitaalo iyo xarumo lagu tababaro macalimiinta iyo kalkaaliyaal caafimaad.