Faah Faahino ka soo baxaya Rasaas Xoogan oo laga maqlayo gudaha Aqalka Cad ee Mareykanka iyo Kooxo hubeysan oo gudaha u galay

0

Xubnaha ilaalada madaxtooyada Mareykanka ayaa bannaanka hore ee Aqalka Cad waxa ay ku dhaawaceen nin hubaysan, sida ay sheegayaan saraakiisha Mareykanka.

Booliska ayaa u sheegay taleefishinka ABC News in nin uu qori ku lulalay meel u dhaw bar koontorool oo u dhaw dhismaha calooshaana laga toogtay.

Aqalka Cad ayaa muddo kooban la xiray kaddib rasaastii Jimcaha.

Madaxweyne Barack Obama ayaa ka maqnaa Aqalka Cad oo ciyaarta golf-ka loo yaqaan ayuu ku dheelayay deegaanka Maryland.

Qofka dhaawacmay ayaa la dhigay istibaal xaaladiisuna ma wanaagsana, sida ay saraakiishu sheegeen.

Marka ay rasaastu dhacaysay madaxweyne ku-xigeenka, Joe Biden, ayaa ku sugnaa Aqalka Cad.

Inta ay arrintu socotay ayaa waxaa la geeyay meel ammaan ah sida ay sheegeen saraakiisha Aqalka Cad.

Aqalka Cad ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa ka dhacay dhowr fal oo ammaanka la xiriira, taasi oo horseedday in isbadello lagu sameeyo habka uu u dhisan yahay Aqalka.

Bishii Abriil, ilaalada madaxtooyada ayaa waxa ay qabteen nin isku dayay inuu koro dayrka Aqalka Cad.

2014, Cumar Conzalez oo ah halyeey ka soo dagaalamay waddanka Ciraaq ayaa ka booday dayrka waxa uuna ku orday dhismaha isagoo mindi wata.

Isla sanadkaasi, canug yar ayaa isku cariiriyay mid ka mid ah albaabada dayrka waxaana lagu qabtay barxadda hore ee Aqalka.

2013, nin ayaa isku dayay in uu gaari ay ka buuxaan mindiyo iyo rasaas uu ku dhufto mid ka mid ah baraha koontorool ee Aqalka.

2011, Oscar Ortega-Hernandez, ayaa lagu toogtay Aqalka Cad waxaana lagu eedeeyay inuu isku dayayay inuu dilo Mr Obama ama mid ka mid ah shaqaalihiisa.

Mr Ortega-Hernandez, ayaa rumeysnaa in Alle uu siiyay howlgal u gaar ah oo uu ku weeraro Aqalka Cad, sida ay sheegeen ila wareedyo ka tirsan ammaanka.

Xigasho BBC