Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowlada ay ku dadaaleyso sidii Soomaaliya loogu joojin lahaa khaadka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladabana aysan dan ugu jirin in khaad la keeno Dalka.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in khaadka uu dhibaato badan ku hayaa dalka isla markaana dhaqaalihii dalka uu hoos u dhigay.
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkaani ka sheegay ka dib markii uu ka qeyb galay kulan Su’aalo ay ku weydiinaayeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka dhacay Muqdisho.
Hoos ka Dhageyso Codka:-