Dowladda Soomaaliya oo ka soo horjeesatay faragalinta lagu hayo arrimaha Xajka

0

Xukuumada Soomaaliya ayaa soo dhawaysay dadaalada Boqortooda Sacuudi Arabiya oo ku aadan u adeegista arimaha Xajka iyo booqashada goobaha xurmada leh ee ku yaala dalkaasi, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada Arimaha Dibada ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in looga baahanyahay dowladda Iiraan in ay taageerto dadaalada Sacuudiga uu wado ee ku aadan arimaha Xajka ee Sanadkaan taas oo ay taageereen dowladda Ismaanka.

Qaabaynta iyo nidaamka arimaha Xajka waa masuuliyad gaar ah oo saaran dowladda Sacuudiga sida lagu sheegay warkaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Xukuumada Soomaaliya ayaa ka soo horjeesatay qorsha dowladda Iiraan ay ku damacsantahay inay faragalin ku yeelato arimaha Xajka, waxaana sidoo kale Soomaaliya ay muujisay in qorshaan uu u muuqdo mid dowladda Iiraan ay ku doonayso in dadka Xujayda ah ee sanadkaan ay kaga hor istaagto xajka.