WAR DEG DEG:- Maamulka Hiiraan oo ka halday dagaalkii maanta ka dhacay Beledweyne

0

Dagaalo ayaa dib uga qarxay magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan, waxaana ciidamada AMISOM ay ku guuldareysteen in ay hakiyaan dagaalkan, oo ay aroorta hore saakay isku dayeen in ay kala dhexgalaan labada maleeshiyo.

Odayaasha dhaqanka oo hadlay waxa ay sheegeen in ay saameyn siyaasadeed ku lug leedahay, sidaas oo kalena maamulka gobolka Hiiraan waxa ay sheegeen in aysan waxba ka jirin.

Dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in xaaladdu tahay hadda mid aan fiicneyn, isla markaasna duhurkii uu dhacay dagaal qaraar oo dhinacyada dhexmaray.

Gudoomiye kuxigeenka gobalka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in ay la xisaabtami doonaan kuwa ka dambeeya dagaaladdan saaka dib uga qarxay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.