Waxaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo maanta laga sugaayay inay soo gaaraan magaalada Muqdisho.
Xubnahan ayaa markii ay yimaadeen Magaalada Muqdisho, waxa ay kulamo la qaateen Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte Qaalib oo kula kulmay Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare ku xigenka dalka ayaa xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu warbixin ka siiyay, halka ay mareyso Diyaargarowga loogu jiro Doorashada la filaayo inay dalka ka dhacdo sanadkaan gudihiisa.
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo maanka ku haya imaanshaha xubnahan ayaa durba tagay Xarunta Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay kula hadlayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah Ajandaha Shirkooda wuxuu yahay ka hadalka Shuruucda ku aadan arimaha Doorashooyinka dalka.