Banaanbaxan xoogan oo ay ka soo qeyb galeen bulshada ku dhaqan degmooyinka gobolka Badaadir ayaa maanta ka dhacay afaafka hore xarunta Baarlamanka Soomaaliya.
Banaanbaxan oo uu ujeedkiisu yahay sidii ay magaalada Muqdisho ku heli lahayd xuquuqdeeda gaarka ah ayaa waxaa qaban qaabadiisa lahaa madaxda gobolka Banaadir oo uu ugu horeeyo Duqa Muqdisho Yuusuf Xussen Jimcaale, taas oo lagu dalbanayo in uu Golaha shacabka caddeeyo maqaamka uu leeyahay gobolka.
Yuusuf Xuseen Jimcaale guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo madaxda degmooyinka oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay Baarlamanka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ay tix geliyaan doonistooda iyo waxa ay tabanayaan shacabka.
Dood badan ayaa in dhowaanhan ka taagneyd maqaamka gobolka Banaadir iyo xuquuqda ay federaalka ku leeyihiin shacabka ku dhaqan Muqdisho,taasoo aan weli laga gaarin go’aan kama dambays ah.
Cabashada iyo Dooda dadka Muqdisho ayaa ku soo aadeysa iyadoo haatan magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin Madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada oo horey heshiiskaan uwada gaaray.
HALKAAN KA DHAGEYSO