Waxaa kulamo xarunta Villa Hargeysa uga socdaa Madaxda dowladda Soomaaliya iyo Guddiga Baarlamaanka uu usaaray dib u eegista iyo turxaan bixinta heshiiskii hanaanka doorashooyinka ee ay Muqdisho ku saxiixdeen Hogaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran.
Sida ay sheegayaan wararka kulankan ayaa waxaa la filayaa in ay ku soo biiraan Wakiilada ka socda Beesha Caalamka oo dadaal ugu jira sidii heshiiskaas oo aan waxba laga bedelin uu Baarlamaanka u meel marin lahaa.
Warar kale oo madax banaan ayaa sheegaya in Guddigii ka koobnaa 21-ka xubnood ee Guddoonka Baarlamaanka u saaray in uu sharci ka dhigo heshiiskaas, isla markaana dib u eegis ku sameeyo qodobada qaar ayaa, waxaana la sheegay in qodobadii wax laga bedelay laga hor-yimid.
Waxaana warar kale oo ay Idaacadda Risaala heleyso ay sheegayaan in qodobada la siku mari la’yahay ay ka mid tahay arinta Aqalka Sare, iyadoo Guddiga uu soo saaray in 18-ka Gobol ee dalka uu si siman u qeybsado kuraasta Aqalka Sare, isla markaana gobolka Banaadir uu soo galayo, taasoo Maamul goboleedyada ay diidan yihiin.
Beesha Caalamka ayaa ka wal walsan is mari waaga ka taagan heshiiska doorashooyinka iyo inuu dib u dhac ku yimaado doorashada la filayo in dhamaadka sanadkan dalka ka qabsoonto.