Madax ka tirsan Maamul goboleedyada Dalka oo soo gaaray Muqdisho

0

Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaasoo ka qeyb geli doona shir looga hadlayo hanaanka geeddi socodka doorashooyinka, iyadoo wali aan Baarlamaanku ansixin hanaanka doorasho ee ay isla garteen Madaxda Madasha wadatashiga qaran.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa gelinkii hore ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Sidoo kale wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa isna goor sii horeysay soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo ka soo kicitimay magaalada Boosaaso.

Kulanka looga hadlayo hanaanka doorashooyinka ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

Ka sokow kulankan la filayo inuu berri ka furmo magaalada Muqdisho, waxaa la isku mari la’yahay heshiiskii Madasha wada tashiga qaran ee Muqdisho ku saxiixeen 12-kii bishii hore, kaasoo ku saabsanaa hanaanka loo galayo doorashooyinka sanadkan dhacaya.

Guddiga Baarlamaanka u saaray dib u eegista heshiiskaas ayaa wax ka bedel ku sameeyay qodobada qaar, kaasoo keenay in laga soo horjeesto, Madaxda dowladda ayaa ka soo hor-jeeda wax ka bedelka heshiiska, hase ahaatee Guddiga ayaa ku doodaya in qodobada qaar ay qalad yihiin, sidaas darteed loo baahan yahay in la saxo.

Xubnaha Guddiga ayaa sheegay inay wax ka bedeleen qodobkii ahaa in Aqalka sare ee Baarlamaanka aan lagu soo darin Gobolka Banaadir, waxaana lix xubnood ay siiyeen Gobolka Banaadir, kaasoo ahaa min saddexdii xubnood ee dheeraadka la siiyay Somaliland iyo Puntland.

Wakiilada Beesha Caalamka oo maanta kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda dowladda iyo Guddiga dib u eegista ayaa kala hadlay sidii Baarlamaanka uu u meel marin lahaa heshiiskii hanaanka doorasho, waxaana xubnaha Beesha Caalamka ay soo jeediyeen in heshiiskaas oo sidiisa ah Baarlamaanka u meel mariyo.

Shirarka oo maanta ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xarunta Villa Hargeysa iyo Xafiiska Madaxweynaha ayaa ahaa kulamo aan loo kala kicin, kaasoo aan wali jirin wax natiijo ah oo la isku raacay, hase ahaatee lagu guuleystay illaa xad in Guddiga dib u eegista laga dhaadhiciyo inay ka noqdaan wax ka bedelkooda.