Degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa waxaa maalmahan ka socda howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo iskaashanaya ayaa waxa ay howlgallo ka wadaan deegaano hoosyimaada degmada Waajid.
Taliyaha ururka 260-aad ee Guutada 8-aad ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu ka warbixiyay howlagallada iyo sidoo kale halka ay ka socdaan.
Taliyaha ayaa sheegay in ay howlgalka ku soo qabteen nin ay ku sheegeen in uu ka tirsan yahay ururka Al-shabaab.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa waxa ay dhowaan dagaal ay deegaan hoostaga degmada Waajid kula galeen ururka Al-shabaab.