Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu warqad dalab ah u diray Xafiiska QM ee ku dhex yaal Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in warqadaasi uu Xassan Sheekh ku dalbanaayay in raali looga noqdo in wakhi dheeraad ah uu ku darsado Dowladiisa.
Xassan Sheekh ayaa warqada ku dalbaday in loogu darro muddo kordhin Hal sano ah, inkastoo aan la ogeyn in codsigaasi laga soo jawaabay iyo inkale.
Madaxweyne Xassan ayaa lasoo warinayaa in codsigaasi uu sabab uga dhigay wakhti yari ka heysata diyaarinta doorashada.
Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid ayaa goor sii horeysay wareysi uu bixinaayay ku sheegay in Xukuumadu ay u baahnaankarto wakhti dheeri ah, isaga oo ku celcelshay in wakhtiga ay hadda heystaan uusan ku filneyn.
Dhanka kale, Beesha Caalamka ayaa aad uga soo horjeeda in Dowlada hadda jirta ay wakhti kororsi sameyso.