Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in maanta halkaas ay gaareen Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.
Wafdi ayaa waxaa hogaaminaayey xoghayaha wasaarada arimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya.
U jeeda ay u gaareen magaalada Cadaado ayaa la sheegay in ay tahay in ay qeyb galaan shir ka furmaya magaaladaas.
Wafdi kasocda maamul goboleedyada ee maanta magaalada Cadaado ayaa kusoo beegmaya xili shalay magaaladaas ay gaareen wafdi uu hogaaminaayo ra’iisulwasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib.