Qaar kamid ah safiiradda golaha amaanka QM ayaa maalinta barita soo booqan doona Soomaaliya iyagoo soo maraya dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi,xubnaha ayaa kadib u gudbaya xarunta Jaamacada Carabta ee Qahira waxana socdaalkoodi gobolka uu qaadanaya ilaa 22-ka bishaan.
Xubnaha golaha ayaa la kulmaya marka ay yimaadan Soomaliya madaxweynaha dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,wasiirka difaaca iyo midka amaanka,Ra’iisul wasaraha xukuumada Somalia Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke,Madaxa howlgalka AMISOM Faransiska Madera iyo ururada bulshada rayidka.
Booqashada ay u imaanayan Soomaliya ayaa waxa uu ku micneyay madaxa golaha Camar Abul Cada in ay taageri doonan doorashada ka dhacaysa Soomaliya sidii waqtigii loogu qabtay ay ugu qabsoomto.
Sidoo kale waxa ay ku dhiiro galin doonan xubnaha jaamacada Carabta in shirkooda ay diirada ku saaran isbadalka Soomaliya gali doonto wixii ka dambeeya bisha Agust.
beesha caalamka ayaa cadaadis ku sareysa dowladda Soomaliya inay waqtigii lagu balamay ay doorashada sanadkaan ku qabato.
Beesha caalamka ayaa ku booriyay xubnaha barlamaanka inay meel mariyaan waxa lagu heshiiyay,warkaasi marka uu soo baxay durba madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh waxa uu la kulmay gudiga oo uu u sheegay inay fududeyaan qorshaha gacanta ay ku hayaan iyadoo la ogyahay in waqtiga la heesto ay tahay mid aad u yar.