Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyay Munaasabad lagu Xusayo Maalinta Dhalinyarada Soomaaliya ee 15-ka May oo ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Waxyaabaha Dalkeena Dibadda uu u dhoofiyo iyo kuwa la keeno Dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Dalka Soomaaliya la keeno Qaad aad u badan,kaas oo Dhibaato mooyee aysan jirin wax Faa’ido ah oo Dalka uu soo galiyo.
“Dowladda Soomaaliya waxaa ay rajeyneysaa in ay hesho Qorshe ay ku joojineyso Qaadka,maadaama uu dhib ku hayo Ummadda Soomaaliyeed.
Soomaaliya ayaa waxaa la keenaa qaad aad ubadan,iyadoo Shacabka Soomaaliyeed ay qabaan in Soomaaliya Sun loo keeno lagana qaato Lacag Cadaan ah,taas oo ah Arrin aad u xun.
HALKAAN KA DHAGEYSO