Ciidanka hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Somaaliyeed ee NISA ayaa qabtay gaari ay saarnaayeen 7 Laptop iyo qofkii watay oo ciidanka ay xabsiga dhigeen.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in, sidoo kale, gaariga ay saarnaayen warqado uu sheegay in al-Shabaab ay ku diiwaaan galiyaan xubnaha ku biiraya.
Maamulka gobolka waxa uu sheegay in gaarigaas lagu qabtay gudaha degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir. Xogta gaarigaas ayuu sheegay inay ka heleen shacabka degmadaas.
Xalane ayaa hadalkiisa intaas ku daray in gaariga iyo qofkii watayba ay baaritaan ku hayaan, iyadoo la baarayo halkii gaariga bar-tilmaameedka u ahayd.
Hoos ka Dhageyso Codka:-