DHAGEYSO:- Guddigii loo xil saaray Turxaan bixinta heshiiska doorashada oo ka hadlay caqabadaha hor taagan

0

Guddiga Xildhibaanada dowladda Soomaaliya ee loo xil saaray  Turxaan bixinta heshiiska hanaanka doorashada ayaa ka hadlay qodobada caqabadaha u keenikara doorashada sanadkaan lagu balansanyahay in ay dalka ka dhacdo.

Xilidhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in caqabada ugu badan ee hor taagan in ay tahay qodobada lagu heshiiyey oo ay ku jiraan qodobo aan waafaqsaneyn dastuurka dalka,kuwasoo u baahan wax ka bedal lagu sameeyo.

Xilidhibaan Cabdullaahi Jamac ayaa sheegay in sidoo kale laga tagay maqaamka gobolka Banaadir,taasna aysan suurtagal aheyn.

Shalay ayey ahayd marki guddigaan ay la kulmeen madaxweynaha Soomaaliya xasan Sheekh   Maxamuud  inkastoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  uu Baarlamaanka Federaalka ugu baaqay in iyadoo la eegayo waqtiga yar ee harsan loo baahan yahay in la fududeeyo meel marinta hannaanka doorashada sannadka 2016.

Hoos ka Dhageyso Codka:-