AMISOM oo mudada ay ka sii shaqeynayaan Soomaaliya loo kordhiyay

0

Howlgalka Midowga Afrika ee Amisom ee Somaliya ayaa loo sameeyay Muddo kordhin, xilliga ay ka sii shaqeynayaan gudaha dalka Somaliya, sidaasi waxaa lagu sheegay War qoraal ah oo ka soo baxay Amisom.

Muddo kordhintaan ayaa waxaa sameeyay Ururka Midowga Afrika (AU) waxaana go’aankaan lagu gaaray Shirkii 595 ee AU ay ku yeeshaan Xaruntooda dhexe ee Addis Ababa.

Go’aankaasi waxaa la oggolaaday  in howlgalka ay Ciidanka Amisom ka wadaan Somaliya sii socon doono tan iyo Bisha May 30-da ee sannadka soo socda ee 2017-ka.

Taasi macnaheeda waxa weeye in muddo sanad ah loogu diray ciidamada Amisom inay ka sii shaqeeyaan Somaliya, maadaama waqtigii uu ka dhamaaday.

Xilli-kordhintaasi ayaa lagu micneeyey inay Ciidanka Amisom oo tiradooda dhan tahay 22,000 Askari sii wadaan Howlgalka ay kula dagaalamayaan Ururka Al Shabaab.

Ciidamada Amisom oo ka kala socda dalalka, Uganda, Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Burundi ayaa Somaliya u jooga la dagaalanka Ururka Al Shabaab, mana jirto horumaro badan oo ciidamada ay ka sameeyeen gulufka Shabaabka lagula jiro oo qaatay muddo 9-sano ah.

Ciidamada Amisom ayaa qarash badan ku hela dagaalka ka dhanka ah Shabaab, inkastoo Midowga Yurub uu dhawaan shaaciyay inuu lacagaho ka dhimay ciidamada Amisom.