UNHCR: Boqolaal Muhaajiriin ah ayaa laga badbaadiyay Biya Dalka Italy

0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Qaxootiga (UNCHR) ayaa shaaca ka qaaday ku dhawaad 1,000 Qof oo muhaajiriin ah in laga soo badbaadiyay Biya Medetereeniyaanka oo u dhaxeeya Dalalka Liibya iyo Talyaaniga.

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Dalka Talyaaniga ayaa lagu soo waramayaa in ay fuliyeen qeyb ka mid ah howlgallada lagu soo badbaadiyay Muhaajiriintaasi.

Afhayeenka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Qaxootiga (UNCHR) William Spindler ayaa tilmaamay in Dadka la soo samata bixiyay ay ku jiraan Caruur iyo Haween, kuwaasi oo saarnaa Doonyo ka sameysan cinjir.

William Spindler oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu sheegay in ay jiraan Doonyo kala soo baxay Xeebaha Dalka Masar, kuwaasi doonaya in ay soo gaaraan Xeebaha Dalka Talyaaniga.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Qaxootiga (UNCHR) ayaa qeexday in ay sii wadi doonto daryeelida Dadkii laga soo badbaayay Biya Medetereeniyaanka oo u dhaxeeya Dalalka Liibya iyo Talyaaniga.

Hay’adda UNCHR ayaa xustay in ay u ololeyn doonto sidii Muhaajiriinta ay u heli la ahaayeen Wado ka wanaagsan badda oo ay ku soo gaari karaan Dalalka Yurub.

Dhawaan ayee aheyd markii Dooni ay la socdeen ku dhawaad 500 oo u badan Muhajiriin Soomaaliyeed kuwaasi oo ku dhintay Biyaha u dhaxeeya Dalalka Liibya iyo Talyaaniga kadib markii ay ka soo baxeen Xeebaha Dalka Masar.