Sida maanta lagu daabacay qaar ka mid ah warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegaya in la toogtay in Kenyan oo horay uga soo goostay ururka Al-Shabaab.
Subiira Suudi Mawangole ayaa bishii Febraayo ee la soo dhaafay ka soo goostay Shabaab,waxaana uuna isku soo dhiibay ciidanka ammaanka dalka Kenya gaar ahaan kuwa ku sugan degmada Kawaale ee dalka Kenya.
Mawangole ayaa waxaa toogtay dableey hubeysan isagoo ku sugan irida hore ee gurigiisa,ka dibna goobta ayey ka baxsadeen sida ay qortay warbaahinta dalka Kenya.
Taliyaha ammaanka degmada Kawaale ayaa sheegay in ay baaritaan ku hayaan ciidii ka dambeysay dilka loo geystay ninkaan horay shabaab u ahaan jiray ayna gacanta kusoo dhigi doonaan saacaddaha soo socda.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in falka lagu dilay Subiira Suudi Mawangole ay ka dambeeyeen ururka Al-shabaab oo uu horay uga soo goostay.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ka xuntahay falka lagu dilay Subiira Suudi Mawangole.
Hoos ka Dhageyso Codka:-