DHAGEYSO:- Dowladda Indonesia oo ka digtay Xeebaha dalkeeda inay la mid noqdaan kuwa Soomaaliya

0

Wasiirka Gaashaandhiga  dalka Indonesia Ryamizard Ryacudu ayaa ugu baaqay wadamada ASEAN dardargaliyaan  ilaalada wadajir ah ee looga hortagaayo in burcad badeed la mid ah mida Soomaaliya ay ka dilaacdo xeebaha dalalka Indonesia iyo Falibiin.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay , waxaa jiray dhacdooyin cusub oo ku aadan falal burcad badeenimo oo ka dhacay dalalka Indonesia iyo falibiin.

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Indonesia ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dalalka Bariga Dhexe ay qeyb qataan in aysan biyaha wadamadaas la mid noqon badda Soomaaliya.

” Biyaha dalalka , Malaysia , Indonesia  iyo Filibiin waa in aysan la mid noqon biyaha Soomaaliya halkaas oo burcadbadeenimado ku baahsan tahay”ayuu yiri wasiirka gaashaandhiga dalka Indonesia.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in hadii aan laga hortagin arintaas ay biyaha dalalkaas la mid noqon donaan biyaha Soomaaliya.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa muwaadiniinka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-