Waararka laga helayo Duleedka Degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Al-shabaab ay Maanta Afar Nin oo Odayaal ah ay ku dileen Duleedka Degmada Aadan Yabaal.
Afarta Oday ee ay Shabaab Dileen ayaa Da’doodu u dhaxeysaa 50 ilaa 70 Sano sida uu sheegay mid kamid ah Dadka ku nool Degmada Aadan yabaal oo uu ku jiro Odayaasha la dilay Adeerkiis.
Al-shabab ayaa la sheegay in Odayaasha ay dileen ku Eedeeyen la shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida uu noo sheegay mid kamid ah Dhalinyarada Degmada oo Dadka la dilay uu ku jiro Adeerkiis.
Degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa Mudooyinkii dambe Maamulayay Xarakada Al-shabaab,iyadoo Saaka ay Dagaal la’aan kula wareegeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika.
Maamulka Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe oo aan la Xariirnay si aan wax uga weydiino Dilka Odayaasha ayaan noo suuro galin in aan haleelno.
Hoos ka Dhageyso Codka:-