Ciidamada Dowladda Somaliya iyo Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa waxay goor dhaw isaga soo baxeen Degmada Aadan Yabaal Ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Ciidamadan, ayaa saakay si buuxdo ula wareegay gacan ku haynta Degmadaasi Aadan Yabaal, ka gadaal markii ay isaga baxeen Xoogaga Ururka Al Shabaab.
Labada ciidan, ayaa waxay casir liqii galabta ay dib ugu laabteen Deegaanka Madaax, oo 7km oo qura u jira Degmada Aadan Yabaal, waana halkii ay saakay ka dhaqaaqeen, markii ay qabsanayeen Degmadaasi.
Baahida keentay inay labada ciidan isaga soo baxaan Degmadaasi, ayaa waxaa lagu kala sheegay iyadoo ay Degmadu tahay mid biyo la’aan ah iyo shacabkii ku noollaa oo isaga cararay.
Biyo la’aanta la soo deristay Degmada Aadan Yabaal, ayaa waxay ka dhalatay, markii mintidiintu Shabaabku ay xalay gubeen laba ceel biyood oo ku yaalay Degmadaasi.
Ciidamada Huwanta, ayaa waxay u muuqdaan kuwo aan ku talla-galin biyo la’aanta ka jirta halkaasi, iyagoo ka warqabay in Shabaabku gubeen ceelashii biyaha laga dhaansan jiray.
Ciidamada Dowladda iyo Amisom oo bishii April mar la wareegay gacan ku haynta Degmada Aadan Yabaal, ayaa laba cisho uun markii ay haysteen dib u soo baneeyay.
wixii soo kordha kala soco Shabakada Wararka Allgalgaduud.com..