Guddi ka tirsan baarlamaanka Britain, ayaa sheegay in howlgalka Midowga Yurub ee wax looga qabanayo tarhiibka badda ee bartamaha badda Mediterraneanka uu ku guuldareysanayo inuu gaaro ujeedooyinkiisa.
Warbixin ay soo saareen guddiga Midowga Yurub ee aqalka sare baarlamaanka UK, ayaa sheegaya in howlgalka loo bixiyay Safiya uusan sameynin macno uu ku joojinayo doomaha tarhiibka.
Burburinta doonyaha alwaaxda ka sameysan, ayaa ku qasabtay in muhaajiriintu u wareegaan kuwa cinjirka ka sameysan, taasi oo qatar sii weyn gelisay muhaajiriinta, sida qoraalka lagu sheegay
Howgalka Safiya ee bilaabmay 2015kiiWaxaa la dhisay bilowgii masiibooyin is xigxigay kuwaasi oo boqolaal muhaajiriin ah ay ku dhinteen iyagoo isku dayayay inay Libya kaga gudbaan Talyaaniga. Midowga Yurub, ayaa amray in maraakiibtoodu ay baaraan oo qabtaan doonyaha looga shakiyo inay adeegsanayaan kuwa dadka tahriibiya.
Ku dhowaad 9,000 oo muhaajiriin ah, ayaa la badbaadiyay ilaa markii uu bilowday howlgalka Safiya sida qoraalka lagu sheegay. Warbixinta, ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadka la soo xiray ay tiradoodu yar tahay, halka burburinta doonyaha ay keentay in tahriibayaashu u wareegaan kuwa cinjir ah, kuwaasi oo ka qatarsan kuwii alwaaxda ka sameysnaa.
Hoos ka Dhageyso Codka:-