TOP NEWS+Sawirro:Rabshado Maalintii Labaad Ka Socda Magaalada Baladweyne.

0

Wararka naga soo gaaraya maanta magaalada Baladweyne ayaa waxa ay sheegayaan in Dhaq dhaqaaqii Ganacsi ee Magaalada Baladweyne uu maalintii 2aad Hakad ku jiro iyadoona sida Wararka ay sheegayaan banaanbaxyo Rabshado wata maanta halkaas ay ka dhaceen.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in qulqulatadan ay salka ku heyso kadib markii Magaalada Baladweyne Sarifka lacagaha Qalaad uu sare u kac ku yimid iyo Raashiinka Qutul Daruuriga intaba.

Wararka ayaa sheegaya in Sare u kaca Maciishada iyo qiimo kororka Sarifka ay ka dambeysay kadib Markii Magaalada Baladweyne ay soo gashay Lacago badan oo dhanka Puntland kaga timid.

Guddoomiyaha Maamulka degmada Baladweyne Macallin Qallaafow ayaa Sariflayaasha uga digay in heerkiisii hore ay dhaafiyaan lacagaha qalaad qiimaha lagu kala sarifto, taas oo la aaminsanyahay qiimo kororka maciishada ee Magaaladaas Baladweyne ay ugu wacantahay.

Macallin Qalaafow ayaa intaas sii raaciyay in dhibaatada labadii maalin ugu dambeysay ka taagneed Magaalada Baladweyne ay saameyn xoogan ku yeelatay Ganacsatada iyo dadka danta yar intaba maadaama aan ganacsiga la furin , dadka danta yarna ay waayeen meelo ay ka adegtaan.

Dhinaca kale Waxaan jirin wada shaqeyn toos ah oo ka dhexeysa Bank dhex , Wasaaradda Maaliyadda iyo maamul Goboleedyada.

Isku soo wada duuboo Waana mida keentay in maamul Goboleedyada qaar sida Puntland in lacago ay iska soo sameystaan hadana saameynteeda laga dareemo qeybo badan oo ka tirsan gudaha dalka Soomaaliya.

balad

DCIM101MEDIA
DCIM101MEDIA

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media