Wasiira arimaha gudaha dalka Kenya Joseph Nkacery ayaa sheegay in Kenya ay ka shaqeeynayso sidii ay waqti kooban ugu qaban lahayd xiritaanka Xerada Dhadhaab oo qaxooti badan oo Soomaali ah ay ku jiraan kaa oo marti galiyay wax ku dhow 350,000 oo Soomali ah waxa loo xiraayana waa sababo dhinaca amniga.
Hadalka wasiirka ayaa imaanaya kadib markii QM ay ku boorisay Kenya inay dib u eegis ku sameyso siyasadeeda ay ku xireyso Xeradaasi.
Nakaseri ayaa sheegay in Kenya ay soo martay mowjado weeraro kaga yimid Xarakada Al-shabab ayna hadda sameeyeen koox gaar ah oo ka shaqeysa qorshaha xerada lagu xiraayo.
Wasiirka oo shir jaraaid ku qabtay Nairobi waxa uu saxaafada ku wargeliyay inay diyaarinayan xiliga ugu dambeeya ee lagu xirayo xeradaasi,iyadoo Kenya ay lacag u qorsheesay mel marinta barnaamijkaasi.
Wasiirka arimaha dibada dalka Mareykanka John Kerry ayaa bayaan u soo saaray ku sheegay inuu walaac xoogan ka qabo qaraarka Kenya waxana uu ku booriyay inay ilaashato doorkii ay ku marti galisay qaxootigaasi ayna si xoog ah ugu celin qaxootiga dalkooda.