Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa waxa sheegayaan in Ciidamadii Itoobiya aee Shalay Halkaasi gaaray ay Howlgalo kawadaan Meelo gaar ah oo degmadaasi ka tirsan.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Ciidamada itoobiya ay si gaar ah u galeen Hoteelo ay degan yihiin Madax kala duwan oo katirsan Maamulka Galmudug.
Ciidamadaan ayaa baaritaano ku hayaan Xarun ay ku shiri jireen Ergooyinkii Soo xulay Baarlamaanka Galmudug Sida ay inoo xaqijiyeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.
Dhinaca kale waxaa la ogeyn ujeedka Ciidamada itoobiya ay baaritaanada uga bilaabeen Magaalada Cadaado Waxaase Saraakiil katirsan Maamulkaasi ay sheegeen in cadaado ay soo gaarayaan wafood ka socota dhanka itoobiya kuwaas oo laba arin u socda mida koowaad waxaa lagu sheegay wadahal u bilaabanaya Ahlu-suna iyo galmudug mida kalana waxaa lagu sheegay in la saxiixayo wajiga labaad hishiiskii Maamulka Kilinka 5-aad iyo Galmudug.