Mareykanka oo ay caawinayaan xubno ka tirsan NATO, ayaa dhisaya difaac ay ku sheegeen in loogu talogalay joojinta gantaalada dhexe iyo kuwa meelaha fog fog gaara.
Mareykanka, ayaa ku bixiyay 800 oo milyan oo doolar radar iyo gantaal joojiye laga dhisay saldhig hore oo ciidamada cirka ahaa oo ku yaal Romania.
Jimcaha, ayey shaqo ka bilaabmi doontaa goob labaad oo ku taal Poland.
Madaxda Mareykanka, ayaa sheegay in qalabkan loo dhisay in ay wax ka qabtaan qatar kasta oo ka timaada bariga dhexe oo magac ahaan Iran ay suuragal tahay in ay weerar qaado.
Inkastoo dhawaan Tehran lala galay heshiis ku saabsanaa barnaamijkeeda Nuklerka, hadana Iran weli way sameysaneysaa gantaalada meelaha fog fog gaara.
Mareykanka iyo NATO waxay ku adkeysanayaan in uusan Ruushku aheyn oo aan loo adeegsan karin gantaaladooda qaaradaha isaga guduba, balse Ruushku waxay u arkaan gantaalada difaaca kuwa wax kicinaya iyo xadgudub heshiisyadii hore