AKHRISO:-Musharaxa Xildhibaan ee Maxamed Nuur Sheekh Axmed oo ka warbixiyey wax qabadkiisa haddii uu guuleysto.

0

Musharaxa Xildhibaan ee Maxamed Nuur Sheekh Axmed ayaa ka warbixiyey wax qabadkiisa, waa haddii uu ku guulaysto Doorashada Xildhibaan ee Bisha Agoosto ee sanadkaan 2016.

Musharaxa oo la soo xiriiray Warbaahinta ayaa ii sheegay in sababta ku kaliftay inuu noqdo Musharax Xildhibaan ay tahay, kadib markii aad oga murogoodey Xaaladda nolaleed ee Shacabka deegaanada uu ka soo jeedo ee Jubbaland, kuwaasoo waayadii dambe uu aad ugu kuur galayay.

Waxaa Musharaxu uu sheegay inuu aad ugu dadaali doono wax ka qabashada baahiyaha aasaaska u ah nolasha bulshada, isla markaana uu keeni doono isbedel dhab ah, kaasoo haddii la doorto ku baaqaya in 6dii bilood ee kasta ay shacabku la xisaabtamaan oo weydiiyaan wixii uu qabtay.

Musharaxa Xildhibaan ee Fedaraalka ah Maxamed Nuur Sheekh Axmed waxaa uu intaas ku daray, haddii loo doorto Jagada Xildhibaan oo ay dhici weydo inuu wax ka qabto adeegyadii loo baahnaa ee Bulshada uu metelo, in uu xilka iska wareejin doono ama iska casilayo.

Musharaxa Xildhibaan ayaa haddii uu ku guulaysto doorashada sheegay in wax wayn ka qaban doono adeegyayada ay kamidka yihhiin:- Waxbarashada, Caafimaadka, Sugidda Amniga, iwm, isla markaana uu wadatashi ballaaran la sameyn doono maamulada degmooyinka iyo gobalada deegaanka uu ka soo jeedo.

Waxaa Musharaxu sidoo kale uu sheegay in haddii uu ku guulaysto Doorashada, tallaabooyinka ugu horeeya ee uu qaadayo aykamid yihiin:- Isku xirka bulshada, hirgelinta cadaaladda, shaqo ubuuritaanka, dariseyeynta bulshada, dib-usoonoolayta isbortiga iyo inuu Qurba-joogta ku dhiiri galiyo maalgashiga deegaanadooda.

Musharaxa oo in muddo ah aad ugu kuurgalayay xaaladda nolaleed ee deegaanada uu ka soo jeeda ee Jubbaland ayaa sheegay in diiradda aad u saarin doono, laba qodob oo aad mihiim u ah oo kala ah: Dibu-dhiska waddooyinka burburay iyo Cabitaanka biyo nadiif ah, kuwasoo kamid ah baahiyaha ee ay qabaan Shacabka reer Jubbaland, isla markaana aanay jirin cid wax ka qabatey.

Ugu dambeyntii waxaa Masharaxu uu hadalkiisa kusoo afmeeray baaq iyo codsi aad u weyn oo uu u dirayo dhammaan Madax-dhaqameedyada Beelaha Soomaaliyeed iyo Guddiga Doorashada, kuwaasoo uu ugu baaqay oo ka codsadey inay soo xulaan Xildhibaanno Tayo leh oo aaminsan hal-heyska ah:- Dalkaada waxa aad u tari karto is weydii ee dalkaada wuxuu kuu tari karo ha is weydiin!

QALBI

Daahir. F. Afdheere
Email. owsame1@yahoo.com
Birmingham, Uinted Kingdom