Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ayaa waxa ay sheegayaan in Gudoomiye Ku Xigeenka labaad ee Baarlmaanka F Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad, Wasiirka Gaashaandhigga Sareeye Gaas. Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya inay gaareen magaalada Caabudwaaq si ay uga qayb galaan Aaska ugaaska Beesha Sade Marxuum Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle.
Warkan ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in ay iminka gaareen magaalada Caabudwaaq Gudoomiye Ku Xigeenka labaad Baarlmaanka F Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad, Wasiirka Gaashaandhigga Sareeye Gaas. Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayna ka qayb galayaan aaska Ugaaska Beesha Sade Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle.