TACSI:Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia Oo Ka Tacsiyeysay Geeridii Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle.

0

Xilli uu xanuunka geeridii ALLAHA u naxariistee Ugaaska Beesha SADE ee Bari Ugaas Ciise Ugaas Cabdille, wada taabatay dhammaan umadda Soomaaliyeed dal iyo dibadba, ayaa waxaa tacsi tiiraanyo iyo murugo leh ay inaga soo gaartay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Australia.

Gudoomiye Xasan Maxamed Cigaal (Dhoombe) oo matalaya, kuna hadlaya magacooda Jaaliyadda ku dhaqan Magaalada Perth iyo dhammaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia, ayaa si qushuuc leh u cabiray inay geerida Ugaaska tahay mid xanuun badan oo wada taabaneysa shacabka Soomaaliyeed, oo uu ugu jiray kaalin muhiim ah oo nabad-doonimo u dheer tahay.

“INNAA LILLAAH WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN, geeridu waa xaq, anigoo ku hadlaya magacayga iyo dhammaan magaca Jaaliyadda aan tacsi quluubteena gilgishay u dirayaa dhammaan Qoyskii, Qaraabadii iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed ee uu kaxay Marxuum Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle, oo aan ogahay inaan sinaba loo ilaabi doonin doorkii wanaagsanaa iyo sida hufan ee uu ugu adeegay shacabkiisa’’ ayuu hadalkiisa raaciyey Gudoomiyaha oo ku hadlayay magaca guud ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Austraia.

EEBBE naxariistii janno-haka-waraabiyee Ugaas Ciise Ugaas Cabdille, oo muddo badan hayey xilkaasi Ugaasnimo, ayaa waxa uu sumcad iyo qadarin aan lasoo koobi karin ku dhex lahaa Beesha SADE iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo geeridiisa naxdinta lehna ay noqotay mid laga wada naxay oo tiiraanyo badan nagu reebtay.

ALLAHA u naxariistee Ugaaska Beesha SADE ee Bari Ugaas Ciise Ugaas Cabdille, ayaa xanuun muddooyinkanba uu la il-darnaa ugu geeriyooday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia, waxaana marxuumka ILAAHAY ga baryeynaa inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka tegeyna uu samir iyo iimaan ka siiyo.
INNAA LILLAAH WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN