Waxaa maanta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ka dhacay Banaanbax rabshado watay oo ay dhigayeen Ganacsatada ku nool gobolka Hiiraan.
Banaan baxayaasha ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxa ayna ka kala yimaadeen afarta xaafadood ee Baledweyne.
Ujeeda Banaanbaxa ayaa ahaa sarifka lacagta dollarka oo sare u kac ku yimid.
Safirka $ 100 doolar ayaa gaaray (3,000,000 shilinka Soomaaliga ) halka markii hore uu ahaa ( 2, 200. 000 shilinka Soomaaliga.
Waxaana la sheegay in magaalada la soo galiyay lacago shilin Soomaali ah oo la soo farsameeyay.
Hoos ka Daawo Sawirada:-