TOOS U DHAGEYSO:- Wasaaradda Amniga oo faah-faahisay Howlgallo ka dhacay Muqdisho

0

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukumadda Soomaaliya C/kaamil Macalin Shugri oo Warbaahinta kula hadlay Agagaarka Xarunta Oto-oto  ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay Gaari ay ka shakiyeen Ciidamada Ammaanka Soomaaliya islamarkaana loo maleeyay in Walxaha Qarxa ay saaran yihiin.

Afhayeenka ayaa Tilmaamay in Gaariga la soo dhigay Meel u dhaw Bar Koontorool oo Ciidamada Ammanka Soomaaliya ay joogaan oo u dhaw Isgooyska Sayidka islamarkaana Ciidanku ay ka shakiyeen,waxaana uu intaa ku daray in markii la baaray Gaariga laga waayay Wax lagu soo xiray oo Qarax ah,

C/kaamil Macalin Shugri ayaa Xusay in aan wali la heyn Shaqsigii Gaariga halkaa dhigay,balse markii uu yimaado la weydiin doono Su’aalo ku aadan dhanka Amniga.

Sidoo kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa shacabka ugu baaqay in aysan Gaadiidkooda dhigan meelaha looga shakin karo ee Qal qal amni ku abuuri karta Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Saaka ayey aheyd markii Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay sheegeen in gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa lagu qabtay Isgooyska Sayidka ee Muqdisho.

HALKAAN KA DHAGEYSO