TACSI: R/wasaareyaashi Hore Ee Soomaaliya Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Ugaaska Beesha Sade Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle.

0

R/wasaareyaashi hore Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Iyo Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa waxa ay tacsi u direen qoyska, eheladii iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday marxuum Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle Ugaas Cali.

Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle ayaa waxa uu ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha dhaqanka Soomaaliya, ka hor intaanu noqon Ugaaskana waxa uu ahaa siyaasi iyo hawlwadeen xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdi dhexe ee Soomaaliya.

R/wasaareyaasha ayaa yiri “Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun, waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoyska, ehaladii, asxaabti iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle, Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle waxa uu ahaa tiir isku haya Bulshada Soomaaliyeed, lana tabi doono doorkii uu bulshada ugu jiray.

Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Iyo Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed “Waxaa Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryeynaa in uu qoyskii iyo eheladii iyo ummada Soomaaliyeedba ee uu ka tegey Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle uu samir iyo iimaan ka siiyo sidoo kalena Marxuumka in uu Janatul Fardowsa ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.

—- DHAMAAD—-