Duqa Muqdisho oo ku baaqay in la qaato kaarka aqoonsiga

0

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlayay munaasabad lagu daah furayay qaadashada kaarka aqoonsiga oo maaNta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay muhiim tahay in muwaadin kasta oo Soomaali ah in uu qaato kaarka aqoonsiga.

Waxa uu sidoo kale sheegay in kaarkaasi lagu kala garanayo cida muwaadinka ah iyo cida aan muwaadinka aheyn.

Gudooiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in cid walba laga doonayo in ay qaadato kaarka aqoonsiga.