DHAGEYSO:- Xaguu maraya Barnaamijkii uu Ra’isal wasaaraha u gudbiyay Baarlamaanka?..

0

Guddiga Gaarka ah ee Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya uu u xil saaray iney soo sharciyeeyaan Barnaamijka Xukuumada ee dhawaan uu Ra’isal wasaaraha usoo gudbiyay Baarlamaanka.

Guddigaan ayaa kulamo gaar gaar ah ku leh Magaalada Muqdisho waxayna ka shiraya qaabkii sharci loogu dhihi lahaa Qorshaha Xukuumada ay usoo gudbiysay.

Kulankoodii ugu horeeyay ayay shalay Muqdisho ku yeesheen waxayna sheegeen in ay sii joogteynayaan kulamada inta ay sharci ka dhigayaan qorshaha Xukuumada.

Xildhibaan Maxamed Cumar ayaa sheegay in la isku raacay in kulamada la joogteeyo si waqtiga yare e Baarlamaanka loogu faa’iideysto.

Hoos ka Dhageyso Codka:-