Koox Hubeeysan ayaa Saaka Degmada xamar-jajab ee Gobolka Banaadir ku dishay Labo Qof oo Shacab ah.
Labada Qof ee Shacabka ah ayaa Saarnaa Mooto Bajaaj sida Wararku ay sheegayaan,halka Ragga Hubeysan ee Weerarka ku dilay Labada Qof ay wateen Mooto kale.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar xalane ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay soo qabteen Labo Nin oo ka dambeeyay Dilka Labada Ruux ee Shacabka ah islamarkaana hadda ay gacanta ugu jiraan Hay’adaha Amniga Soomaaliya.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa intaa ku daray in Ragga gacanta lagu soo dhigay lagu soo qabtay Hubkii ay wateen.
HALKAAN KA DHAGEYSO