TOP:- Maxaa ka soo baxay Shirka deg deg ah oo ay yeesheen Guddiga Amniga gobalka Mudug ?

0

Guddiga Amniga ee gobalka Mudug ayaa yeeshay kulan deg deg ah oo ay uga hadlayaan xaaladdaha Amniga ee gobalkaas, waxa ayna si gaar ah diiradda u saareen dilkii ugu dambeeyey ee lagu dilay Ganacsade Eng Cumar Cabdille (Cumar Dheere).

Maamulka Gobalka Mudug ayaa sheegay in looga baahan yahay dhinacyada amnigu ay qaataan kaalintooda, oo ay doonayaan si deg deg ah gacanta loogu soo dhigo kooxihii ka dambeeyey dilkii Ganacsadahan caanka ah.

Guddiga Amniga ayaa ugu baaqay Shacbaku in ay la shaqeeyaan ciidamada Nabadgalyadda, ayna jiri donaan howlgalo gaar ah oo lagu qaadi doono cid kasta oo loo aqoonsado in ay yihiin kuwa ka soo horjeeda amniga gobalka Mudug.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano la xariira dilkii ugu dambeeyey ee xalay dhacay, waxa ayna sheegeen in ay kooxihii falkaas geystay u baxsadeen dhinaca maamulka Galmudug.

Arrimaha lasoo qaaday mudadii uu socdey shirkan ayaa ahaa in dib loo kiciyo xarumihii xaafadaha oo ahaa kuwa xogo badan laga ogaan jiray, ayna muhiim tahay in maamulka degmadu dib u dar-dargaliyo qorshahan si loo soo qabto kooxo kasta oo lagu tuhmayo falalkan Argagixisada ah.

Waxgaradka, Ganacsatada & Bulshada rayidka ah ee magaalada Gaalkacyo aad uga xumaadey dilkii xalay loo geystay Ganacsade Eng Cumar Cabdille (Cumar Dheere) oo si weyn looga yaqaanay guud ahaan deegaanada Puntland, qeyb weyna ka ahaa mashruucyada horumarineed ee gobalka Mudug.