Munaasabada caleemo saarka madaxweynaha Jabuuti oo la soo gaba gabeeyay

0

Munaasabad si heersaro loo soo agaasimay ayaa maanta waxaa lagu qabtay Qasriga Guriga Umadda dalka Jabuuti, waxaana lagu caleemo saarayay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay wadamo fara badan,waxaana ka mid dalalka ka soo qeyb galay munaasabadda Madaxweynaha Ruwanda Boul-kagame, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Xeyla Maryam, Madaxweyne ku xigeenka Uganda iyo Mas’uuliyiin kale.

Dhanka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay caleemo saarkaN Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku dhaartay in uu si daacad ah ugu shaqeyn doono shacabkii markale kalsoonida ku doortay.

Dhanka kale Madaxweyne Geelle ayaa tilmaamay in u gudan doono waajibaadka saaran.