Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan gaar ah la qaatay Sheekh Shariif Sheekh Axmed

0

Wararka aan ka heleyno dalka Jabuuti ayaa ku soo warramaya in kulamo gooni gooni ah halkaas ay ku yeesheen masuuliyiin iyo siyaasiyiin ka tirsan Soomaaliya.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Xasan Sheekh Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynihii Dowladdii KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay kulmeen Jabuuti.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa kulan kale isla jabuuti kula qaatay Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynihii hore ee maamulkaas Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

Dhammaan kulamada ayaa ahaa kuwa albaabada ay u xiran yihiin oo aan la ogeyn waxyaabaha rasmiga ee la iskula soo qaaday.

Hayeeshee waxaa xusid mudan dhammaan Masuuliyiintaan ayaa Jabuuti u gaaray sidii ay uga qeyb gali lahaayeen munaasabad lagu caleemo saarayo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo markii 4aad hoggaanka Jabuuti loo doortay.

Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynihii ka horeeyay oo aan Warbaahinta loo ogolaan ayaa imaanaya xilli dalka ay ku soo fool leeyihiin doorashooyinka Baarlamanka iyo Mida Madaxtinimo intaba walow weli Sheekh Shariif uusan cadeynin haddii uu musharrax yahay sida uu  horeyba ugu dhawaaqay Xasan Sheekh oo iminka ma jaraha u haya talada dalka.

258-696x463