DHAGEYSO:- Xildhibaan Kulalihi “ Dalka Cadaalad daro weyn ayaa ka jirta, Madaxdana wax kama qaban karaan”..

0

Xildhibaan Maxamed Maxamud Axmed “Kulalihi” oo ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Somaaliya ayaa ka hadlay xaaladda garsoorka dalka iyo ka dib xilka qaadista Ceydiid Ilka Xanaf waxa ka socda maxkamadda sare ee dalka.

Xildhibaan Kulalihi oo ka hor hadlaaaey xubnaha barlamaanka Federaalka dalka ayaa sharaxay qaabka shaqo ee maxkamadda sare kadib, sida uu yiri, shaqo ka fariisinta guddoomiye Ilka Xanaf.

Wuxuu tilmaamay in xilka-qaadista Ilka Xanaf ay gadaal ka riixayeen wasiirro horay barlamaaku u diiday inay kamid noqdaan xukuumadda isaga oo qiray in musuqmaasuq baahsani uu ka jiro hey’adaha dowladda oo uu xusay in shirkado uu barlamaanku ka joojiyay inay shaqeeyaan ay si caadi ah uga howl-galaan dalka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-