Qaraxaan ka dhacay buuralayda Galgala ee Puntland ayaa waxaa ku dhintay Askari ka tirsan Ciidamada Maamulka Puntland.
Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Askari kale, waxana la sheegay in labada Askari ay ku lugeynaayeen dhinaca Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Buuroleyda Galgalada ee Puntland ayaa markii uu Qarax ka dhacaayay wax aka da’aayay roob.
Askariga dhintay iyo midka dhaawacmay waxaa goobta ka qaaday oo soo gaaray Ciidamo kale oo ka tirsan Maamulka Puntland.
Al-Shabaab ayaa durba sheegtay Masuuliyada Qaraxaasi ka dhacay Buuraleyda Galgala,
Buuraleyda Galgala ee Puntland ayaa waxaa qeybo ka mid ah ku sugan Al-Shabaab oo mararka qaar Ciidamada Puntland ay halkaasi ku wada dagaalamaan.
Hoos ka Dhageyso Codka:-