Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maalinta berri lagu wadaa in loo caleema saaro xilka madaxtinimada, ka dib markii bishii hore ee April uu ku guuleystay doorashada markii afaraad.
Caleema saarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa ka qeyb geli doona madax badan oo Afrikaan ah oo qaarkood ka socda dalalka geeska Afrika.
Madaxweyne Geelle ayaa loo dhaarinayaa xilka mudada shanta sano ee soo socota, kadib markii uu aqlabiyad aad u ballaaran uu uga guuleystay xubnaha Mucaaradka.
Laakiin kooxaha mucaaradka ayaa si weyn uga soo horjeestay natiijada doorashada, iyagoo ku tilmaamay inay dhacday awood maroorsi goobaha qaar ee cod bixinta ka socota.
Madaxda Soomaalida qaarkood ayaa ka qeyb galaya, sida Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Maamulada Somaliland iyo Puntland Axmed Siilaanyo iyo C/wali Gaas.
Sidoo kale waxaa munaasabada caleema saarka lagu casuumay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan Jabuuti iyo Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole.
Jabuuti ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga kumanaan askari oo qeyb ka ah howl galka nabad ilaalinta AMISOM, waxaana Jabuuti ay doorar fir fircoon horay uga qaadatay shirarkii dib u heshiisiinta ee lagu soo dhisay dowlado KMG ah, kadib bur burkii dowladdii dhexe.