DHAGEYSO:- Al-Shabaab oo Weerar ka geystay Magaalada Baardheere

0

Ciidamada Ururka Al Shabaab ayaa xalay weerar qorsheysan waxa ay ku qaadeen hooyga Magaaladaasi uu ka degan yahay masuul ka tirsan Maamulka Degmada Baardheere.

Dagaalyahano ka tirsan Shabaabka ayaa weeraray hooyga Magaalada uu ka degan yahay Maxamed Xuseen Ganey oo ah Madaxa Mashaariicda Degmada Baardheere.

Ciidamada Ilaalada u ah Sarkaalkaan ayaa sameeyay iska caabin, waxaana dagaal socday ku dhawaad 30 daqiiqo uu dhexmaray ciidamada Shabaabka iyo ciidamada ilaalada u ah Sarkaalkaan.

Dadka Deegaanka ayaa sheegaya inuu jiro dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerarka Shabaabka ay ku qaadeen xalay Hooyga Magaalada uu ka degan yahay Maxamed Xuseen Ganey.

Markii uu dagaalka istaagay ayaa raggii Shabaabka ka tirsanaa dib ay uga baxeen Magaalada, iyadoo durba dagaal kale uu ka qarxay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baardheere.

Xoogag hubaysan oo Shabaabka ka tirsan ayaa labo jiho ka weeraray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baardheere oo Ciidamada Itoobiya Fariisimada ay ku leeyihiin.

Ciidamada Itoobiya iyo Shabaabka ayaa isku adeegsaday hub culus oo dadka Magaalada jooga cabsi gelisay.

Saraakiisha ammaanka Magaalada Baardheere weli kama aysan hadlin dagaaladan Shabaabka ay xalay ku qaaden Magaaladaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-