DHAGEYSO:- Maxay tahay Sababta ka dambeysa howlgalada ka socda gobolada Dalka iyo Al-Shabaab oo Awoodooda hoos u dhacday

0

Abaanduulaha Ciidanka Malatariga Soomaaliya General Cali Baashi oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalada Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan gobolka Sh/Dhexe.

waxaa uu sheegay in u jeedka Howlgalka loo-qaaday ay tahay sidii la iskugu furi lahaa Xuduudka ay wadaagaan Gobollada Sh/Dhexe iyo Galgaduud oo mudo dheer kala Xirnaa.

Abaan duulaha ayaa tilmaamay in Meelaha ay Qabsadaan Ciidanka Xooga kana saaraan Al Shabaab aysan dhaceyn inay dib uga soo laabtaan.

Deegaanadaan hada la wareegen Ciidanka Soomaaliya ayaaa waxaa ku dhawaad mudo 9 Sano ah ay  Maamulayey Al Shabaab waxaana lagu soo waramayaa in Deegaanadaas ka maqan yihiin wax yaabihii muhiimka u ahaa Nolosha Dadka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-