DAAWO:- Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo ku dhawaaqay Arrin farxad gelisay Dhalinyarada Soomaaliyeed

0

Wasiirka Wasaarada maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aden Ibraahim Farkeeti ayaa ka qayb galay dood ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Isboortiga oo looga hadlayey sida ugu haboon ee dhalinyaradu shaqo looga abuuri karo si looga hortaga tahriibka iyo shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta.

Wasiirka ayaa dooda waxaa kala qayb galay Wasiirka Dhalinyaradda iyo Isboortiga Maxamuud Cabdullahi Xasan Nuux, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdiraxman Odowaa, Gudoomiyaha Degmadda Waaberi, Aqoonyaho, Ururada Dhalinyarada iyo Qaar ka mid ah shaqaalaha dowaladda.

Wasiir Farkeeti ayaa aad uga hadlay  talaabooyinka Wasaaradda Maaliyadu ay qaaday si dhalinyaradu u helaan shaqooyin, isagoona xusay intii uu joogay Wasaaradda in uu ku guulaystay in Mushaar loo helo dhamaan shaqaalaha dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada,

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in xiliyadii hore shaqo abuurka ay door muhiim ah ka qaadan jireen kaabayasha dhaqaalaha sida Beeraha, Xoolaha, iyo Kaluumaysiga, taasna maanta meesha ka maqan tahay” ayuu yiri Wasiir Farkeeti.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

22 33 44 55 11