Wafdi Wasiiro ah oo ay hogaamineyso Wasiirada Haweeenka iyo Arrimaha qoyska ee Maamulka Puntland Anisom C/qaadir Xaaji Muxudiin ayaa maanta waxay gaareen degmada Taleex iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Sool.
Wasiirada Haweeenka iyo Arrimaha qoyska ee Maamulka Puntland Anisom C/qaadir Xaaji Muxudiin oo wareysi siisay mid ka mid ah Warbaahinta gudaha ayaa ka warbixisay safarka ay ku joogaa gobolka Sool.
Waxay sidoo kale ka warbixisay waxyaabaha ay ku aragtay deegaanada ay koormeerka ku tagtay sida Degmada Sool iyo deegaanada kale.
Waxay tilmaantay in abaaro daran ay ka jiraan deegaanada ay koormeereen isla markaana ay ku dadaalayaan sidii dadkaasi ay u caawin lahaayeen.
Wasiirada Haweeenka iyo Arrimaha qoyska ee Maamulka Puntland Anisom C/qaadir Xaaji Muxudiin ayaa dhagax dhigtay xarun loogu tala galay Haweenka gobolka Sool in loogu adeego.
Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-